LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Isku Aadka Qori-Tuurka Tartanka Kubadda Cagta Dugsiyada Gobolka Banaadir, Liiska Magacyada Dugsiyada ka qeyb galaya.

 


Muqdisho, Soomaaliya – Munaasabadda isku aadka qori tuurka ee Tartanka Kubadda Cagta Dugsiyada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah loogu qabtay magaalada Muqdisho, taasoo ka mid ah hawlaha ugu muhiimsan ee lagu xoojinayo horumarinta ciyaaraha dugsiyada iyo kobcinta kartida dhallinyarada.

Tartankaan oo sanad walba la qabto, ayaa sanadkaan waxaa nasiib u yeeshay in ay ka qeyb galaan 32 dugsi, kuwaasoo ka kala yimid dhamaan 20.ka degmo ee gobolka Banaadir. Qori tuurkan ayaa lagu sameeyay si hufan oo caddaalad ah, iyadoo lagu saleeyay hab rasmi ah oo ay oggol yihiin dhammaan bahda ciyaaraha dugsiyada.

Masuuliyiinta goobta ka hadlay ayaa si weyn u ammaanay sida tartanka loo diyaariyay, iyo muhiimadda uu u leeyahay ardayda, iyagoo tilmaamay in ciyaaraha dugsiyadu yihiin fursad lagu kobcin karo kartida, anshaxa, iyo isdhexgalka ardayda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tartankani uu qeyb ka yahay qorshaha guud ee horumarinta waxbarashada iyo hidaha ciyaaraha ee gobolka. Wuxuu xusay in ciyaaruhu ay yihiin aalad muhiim u ah kobcinta jirkooda iyo maskaxda ardayda, isla markaana horseeda is-dhexgal bulsho iyo tartan caafimaad leh.


Guddoomiyaha Garsoorayaasha XKCS oo isna goobta ka hadlay, ayaa sheegay in tartankan uu u gogol xaarayo in la helo ciyaartoy tayo leh oo mustaqbalka u matali kara Soomaaliya heer qaran iyo mid caalami ah. Waxa uu hoosta ka xariiqay in nidaamka garsooridda uu  noqon doono mid cadaalad ah, laguna wado xeerarka ay u dajisay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Munaasabaddan muhiimka ah ayaa lagu soo gabagabeeyay hambalyo loo diray dugsiyada nasiibka u yeeshay inay ka qeyb qaataan tartanka. Waxaa sidoo kale la shaaciyay jadwalka bilowga ciyaaraha, kuwaasoo si rasmi ah u bilaaban doona toddobaadyada soo socda,

Tartanka kubadda cagta ee dugsiyada gobolka Banaadir wuxuu ka mid yahay dhacdooyinka sannadlaha ah ee si weyn loogu xisaabtamo, waxaana uu door weyn ka ciyaaraa horumarinta ciyaaraha dalka, iyadoo la rajeynayo in sanadkan uu noqdo mid ka xamaasad badan kuwii hore.


Liiska Mgacyada Dugsiyada Ka qeyb galaya Tartanka

1 Ahmed Gurey School
2 Hiigsi School
3 Mo'allim Jama' School
4 Yaasiin Cusmaan School
5 Imaam Omar School
6 Garaadso Academy
7 Ex Agoon Darsi School
8 Imaamu Sakhaawi School
9 Daarul Mustaqiim School
10 City School
11 Daalo School
12 21ka Oktoobar School
13 El-Marer School
14 Kaaraan School
15 Ablaal School
16 Al Matiin School
17 Khadija Model School
18 Ma'ruf School
19 Hamar Jajab School
20 Usama Bin Zeyd School
21 Al-Naxwa School
22 Micraaj School
23 AL Racad School
24 AL Mash'huur School
25 20ka Diseembar School
26 Hamar Adde School
27 Hantiwadaag School
28 Ubayi Bin Kacab School
29 Al Shacab School
30 SOS School
31 Hoyga Tayo School
32 Al Nasiib School

Dugsigee ayaa sanadkaan ku guulaysan doono tartanka? qeybta comment.ga noogu reeb

Post a Comment

1 Comments

JSON Variables