Hordhac
Dugsigu ma aha oo kaliya goob waxbarasho, balse waa hay’ad dhista mustaqbalka bulshada. Si dugsigu u gaaro guul waarta, loona helo waxbarasho tayo leh, waxaa lama huraan ah in uu yeesho qorshe istaraatiji ah oo cad. Qorsheynta istaraatijiga ah waa hab maamul oo u oggolaanaya dugsiga in uu si qorsheysan u gaaro himilooyinkiisa, halka maamuluhu uu yahay hoggaamiyaha ugu muhiimsan ee hagaya geeddi-socodkaas.
Maqaalkan, Dugsan Space wuxuu iftiiminayaa doorka maamulaha ee qorsheynta istaraatijiga ah iyo sida ay uga qeyb qaadato guusha waxbarasho ee dugsiga.
Waa Maxay Qorsheynta Istaraatijiga ah ee Dugsiga?
Qorsheynta istaraatijiga ah waa hab fikir iyo hawlgal ah oo dugsigu ku:
- Qeexo himilo (Vision) iyo ujeeddo (Mission)
- Dejiyo yoolal fog iyo kuwo dhow
- Aqoonsado caqabado iyo fursado
- Qorsheeyo sida ugu wanaagsan ee loo adeegsan karo kheyraadka jira
Ujeeddadu waa in dugsigu yeesho jihayn cad oo hagta go’aamada, hawlaha, iyo horumarka waxbarasho
Doorka Maamulaha ee Qorsheynta Istaraatijiga ah
1. Hoggaan iyo Aragti Cad
Maamulaha dugsigu waa qofka dejinaya jihada guud ee dugsiga. Waa inuu yeeshaa aragti fog oo ku saleysan tayada waxbarashada, horumarinta macallimiinta, iyo danaha ardayda. Aragti cad ayaa ka dhigta qorshaha mid la fahmi karo oo la wada leeyahay.
2. Ka-Qaybgelinta Dhammaan Daneeyayaasha
Qorshe guuleysta ma aha mid hal qof ka yimaada. Maamuluhu waa inuu ku lug yeelaa:
- Macallimiinta
- Ardayda
- Waalidiinta
- Guddiga Waxbarashada dugsiga
Tani waxay sare u qaadaysaa kalsoonida, isla-xisaabtanka, iyo hirgelinta qorshaha.
3. Qiimeyn iyo Falanqeyn Joogto ah
Maamulaha wanaagsan wuxuu awood u leeyahay inuu qiimeeyo xaaladda dugsiga, sida:
- Heerka waxbarasho
- Tayada macallimiinta
- Baahiyaha ardayda
- Kkheyraadka la heli karo
Falanqeyntan ayaa saldhig u noqota go’aamada istaraatijiga ah.
4. Maareynta Kheyraadka
Qorshe istaraatiji ah oo miro dhal ah wuxuu u baahan yahay maamul hufan oo kheyraadka ah, ha noqoto:
- Kheyraad bani’aadmi (macallimiin iyo shaqaale)
- Dhaqaale
- Qalab waxbarasho
Maamuluhu waa inuu hubiyaa in kheyraadka si caddaalad iyo hufnaan leh loo adeegsado.
5. La Socod iyo Qiimeyn
Hirgelinta qorshaha kadib, maamuluhu waa inuu si joogto ah ula socdaa:
- Heerka fulinta
- Caqabadaha soo baxa
- Natiijooyinka la gaaray
Tani waxay suuragelinaysaa in wax laga beddelo qorshaha marka loo baahdo.
Saameynta Qorsheynta Istaraatijiga ah ee Guusha Waxbarasho
Marka qorshe istaraatiji ah si sax ah loo hirgeliyo, dugsigu wuxuu:
- Helayaa jihayn cad
- Kor u qaadayaa tayada waxbarashada
- Dhiirrigeliyaa macallimiinta iyo ardayda
- Xoojiyaa kalsoonida waalidiinta
- Noqdaa dugsi tartan iyo horumar leh
Guusha waxbarasho ma timaaddo si kadis ah, balse waa natiijo ka dhalata qorsheyn iyo hoggaan wax-ku-ool ah.
Qore: Yahye Ilyas Bashir (Indha-Quranjo)
Whatsapp No.: +252610720111

0 Comments