Tartanka kubadda cagta ee dugsiyada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u galay wajigiisa xiisaha leh, iyadoo la soo saaray jadwalka kala horeynta group-yada ee wareegga hore. Tartankan oo ah mid si weyn loo wada sugayey, waxa uu fursad u yahay in la kobciyo kartida dhalinyarada iyo xoojinta isdhexgalka dugsiyada.
Tartanku Wuu Socdaa, Fursadna Wali Waa Jirta!
Inkasta oo qaar kamid ah dugsiyada ay durba guulo muhiim ah gaareen, kuwa laga badiyayna waa muhiim inay ogaadaan in tartanku aanu weli dhammaan. Hal kulan ayaa isbeddeli kara kala horeynta, wuxuuna furi karaa albaabkii guusha.
Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dugsiyada:
Inay dhiirigeliyaan ciyaartooydooda.
Inay kor u qaadaan kalsoonidooda.
Inay si sharaf leh ugu tartamaan garoomada.
Tartankan ma ahan oo kaliya tartan ciyaareed, waa fursad kor loogu qaadayo isku xirnaanta, anshaxa ciyaaraha, iyo horumarka isboortiga ardayda.
Gunaanad
Tartanka wali wuu socda. Dugsiyada guuleystay waxaan leenahay: sii laba laab dadaalkiina. Kuwa laga adkaadayna waxaan ku dhiirrigelineynaa: guusha mar walba waa la heli karaa haddii aan la quusan
0 Comments