Tartanka kubadda cagta dugsiyada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u furmay, iyadoo la galay wajiga is aragga koowaad ee group-yada. Waxaana si lama filaan ah loogu baraarugay Dugsiga Ablaal, oo kulankiisii ugu horreeyay ee tartanka uga badiyay kooxda kale 9–0 guushii ugu weynayd ee illaa hadda laga diiwaangeliyo wajigan tartanka.
Kooxda kubadda cagta ee Dugsiga Ablaal ayaa soo bandhigtay ciyaar cajiib ah oo si buuxda u muujisay diyaar garow, isku-duubni iyo xirfad sare. Qaybtii hore ee ciyaarta ayay durba hogaanka la wareegeen iyaga oo goolal dhaliyay, halka qeybtii labaadna ay si fudud u sii wateen weerarka, taasoo keentay in tirada goolasha ay kor u dhaafto 9.
Waxqabadkooda ayaa durba noqday mid
ay si weyn u hadal hayaan taageerayaasha tartanka, macallimiinta iyo
ciyaaryahanada dugsiyada kale. Waxaa muuqata in Dugsiga Ablaal uu si
dhab ah ugu yimid tartankan hammi iyo hiigsi fog, isagoo markan u muuqda mid
aan kaliya tartan galin doonin, balse halis ku noqon doona kooxaha kale ee
Dugsiyada oo iyagana muujiyay diyaar garow adag, taas oo iyagana laga arki karay kullamadii ugu horeeyay ay dheeleen natiijadooda.
Guushan waxay sidoo kale muujisay in
kooxda Dugsiga Ablaal aysan kaliya xoogga saarin weerar, balse
ay leedahay
difaac adag, iyadoo aysan u oggolaanin kooxda kale wax gool ah – taas oo ah
calaamad cad oo muujinaysa isku dheelitirnaan buuxda oo ciyaareed.
DugsigaAblaal:
Koox Ka Culus Sidii Loo Maleynayay?
Guushaan ballaaran waxay iftiimisay awoodda dhabta ah ee Dugsiga Ablaal, waxaana dad badan hadda u saadaalinayaan inay gaari karaan marxaladaha ugu dambeeya ee tartanka, haddii aysan xitaa ku guuleysan koobka. Ma ahan bilow laga filayay koox cusub oo aan hore loogu tirin kuwa awoodda leh, balse hadda waxay muujinayaan in wax walba ay suurtagal yihiin marka niyad, tababar iyo qorshe la isugu geeyo.
Waxaa jira dugsiyo iyagana aan la fududeysan karin oo tartanka qeyb ka ah sida Dugsiga Axmed Gurey oo ah dugsiga Difaacanaya tartanka 2dii sano ee ugu danbeysay tartanka, kaas oo noqday dugsiga qaaday koobka, 2sano xiriir ah.
Gunaanad
Dugsiga Ablaal wuxuu u dhigay fariin cad kooxaha kale, taas oo ah “Waan nimid, waan
ciyaareynaa, waana tartameynaa si dhab ah.” Haddii ay sidan ku sii socdaan,
waxaa laga yaabaa in koobka sanadkan lagu xardho magaca Ablaal. Tartanka waa
socda, ciyaaro kale ayaa harsan, balse hal shay ayaa hadda la og yahay – Ablaal
waa koox aan la iska indho tiri karin. Kadib gushii ay ku furteen tartanka.
0 Comments