LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Natiijada imtixaanka qaranka fasalka 12aad, liiska ardayda ugu sareya, Dugsiga SOS, Turkish Ma'arif, Mocaasir,,,,

 



Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa 10-ka arday ee ugu sarreeya Imtixaanka Qaranka Fasalka 12aad ee sanad dugsiyeedka 2024/2025. Guushan ayaa ah mid ka tarjumeysa dadaal joogto ah, karti iyo himilo sare oo ay muujiyeen ardayda Soomaaliyeed ee ka qeyb galay imtixaanka.

Waxaa si gaar ah mudan in la xuso in kaalinta koowaad mar kale ay ka soo muuqatay arday gabar ah, taas oo muujinaysa kaalinta muhiimka ah ee habluhu ka qaadanayaan horumarinta tacliinta iyo mustaqbalka dalka. Tani waa guul dhiirrigelin u ah dhamaan gabdhaha Soomaaliyeed ee tacliinta ku jira.

Sidoo kale, maamulka dugsiga ayaa hambalyo u diraya dhammaan ardayda guuleysatay, waalidiinta garab istaagay, iyo macallimiinta dedaalka badan ku bixiyay. Guushan waxa ay astaan u tahay muhiimadda waxbarashada iyo kaalinta ay bulshada Soomaaliyeed ku leedahay horumar waara

Post a Comment

0 Comments

JSON Variables