Source: AWGB
Hambalyo, Mahadnaq iyo Dhiirrigelin: Guusha Ardayda Fasalka 8aad ee Gobolka Banaadir Sanad Dugsiyeedka 2024/2025
1.0 Hordhac
Waxbarashada waa tiirka koowaad ee horumarka bulsho, dhaqaale iyo mid qaran. Waa hanti aan la dhaxlin balse lagu kasbado karti, dadaal iyo juhdi. Sannad dugsiyeedka 2024/2025 wuxuu lahaa qiimo gaar ah oo aan la ilaawi karin, gaar ahaan ardayda fasalka 8aad ee Gobolka Banaadir oo maanta si rasmi ah u dhammeystay imtixaankii guud ee dugsiga dhexe. iyadoona imtixaanka ay ufadhiisteen in ka badan 41kun oo arday. Maalintani waa maalin farxad iyo rayn-rayn u ah dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada – laga bilaabo ardayda, waalidiinta, macallimiinta illaa maamulka dugsiyada.
Qoraalkan wuxuu xambaarsan yahay hambalyeyn, mahadcelin, iyo dhiirrigelin ku wajahan kuwa door weyn ka qaatay hirgelinta iyo guusha imtixaanka, ardayda dadaalka badan, macallimiinta haldoorka ah, waalidiinta dulqaadka badan, iyo maamulka dugsiyada Gobolka Banaadir oo runtii mudan ammaan iyo bogaadin.
2.0 Hambalyada Ardayda
![]() |
source:Al Waasic School |
Ardayda qiimaha badanow, maanta waxaad tihiin halyeeyo u istaagay in ay noloshooda waxbarasho heer sare gaarsiiyaan. Waxa aad u dulqaadateen sannad adag oo imtixaan iyo tacliin is huwan tahay. Waxaa iga go'an in aan idin sheego in dadaalkiina aanad lumin, guusha aad gaarteen maanta waa mid ka tarjumeysa sida aad uga go’naydeen barashada, kartida iyo isxilqaan shaqsiyeed.
Sanad dugsiyeedka 2024/2025 wuxuu ahaa mid la dareemi karo culeyska xilliga, isbeddelka hanaanka waxbarashada, iyo sidoo kale dhibaatooyin nololeed oo laga yaabo in ay idin la soo darsantay intii aad ku jirteen safarkaan. Hase yeeshee, maydin joojin himiladiina, waxaadna u taagnaateen in aad horay usii wadataan waxbarashadiina, Waxaa tihiin mustaqbalka ifaya ee dalkeena Soomaaliya. waxaana idin rajeenayaa in imtixaanka aad ka keentaan buundo sare oo aad idin anfacda, dadaalkiinnan aad meesha ka sii wadaan.
3.0 Mahadcelin Maamulayaasha Dugsiyada Gobolka Banaadir
![]() |
Source: AWGB |
Maamulada sharafta leh ee dugsiyada Gobolka Banaadir, aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin. Door weyn ayaad ka qaadateen diyaarinta, hagidda, iyo horumarinta ardada, gaar ahaan heerka diyaarinta ardada maanta udhamaaday imtixaanka fasalka 8aad. Waxaa si gaar ah loo xusi karaa sida aad iskugu xirteen ardada, waalidiinta iyo macallimiinta, si loo helo arday tayo leh, kuna guuleysta imtixaan.
Waxaad ahaydeen, aadna tihiin garab adag oo ay ardaydu ku tiirsanaayeen, waxaadna mar walba dadaalkiinna u hurteen tayaynta waxbarashada si ardaydu u helaan jawi ku habboon barasho iyo horumar. Mahadsanidiin dadaalkiinna joogtada ah iyo dhiirrigelinta aad ardayda siiseen.
4.0 Waalidiinta (Halyeeyada Aamusnaanta)
Waalidiinta sharafta leh, waxaad tihiin tiir-dhexaadka barbaarinta jiilka cusub. Hambalyo iyo mahadcelin ayaanu idiin dirayaaa, maadaama aad garab adag u tihiin ubadkiinna. Waxaa idinka mahadnaqayaa samirka aad u yeelateen, taageerada aad siiseen ubadkiinna xilliga imtixaanka iyo dadaalka maalinlaha ah ee aad ugu jirtaan in carruurtu ay helaan waxbarasho tayo leh.
Waalidnimo waa masuuliyad culus, haddana waxaa dhab ah in mid kasta oo idinka mid ah uu gudbay imtixaankii waalidnimo ee sanad dugsiyeedkan. Waxa aan idinku bogaadinaynaa samirka, dulqaadka iyo jacaylka aad u haysaan korinta iyo kobcinta ubadka Soomaaliyeed.
5.0 Macallimiinta (Halgamayaal Qaran)
Macallimiinta suubanow, waxaad tihiin indhaha dalka, waxaad tihiin kuwa shiday nalka aqoonta ee jiilalka soo koraya. Waxaan idiin sheegayaa in aanan marnaba la ilaawi doonin kaalintiina. Adinkaa ubadkan baray xisaabta, afka, diinta, taariikhda iyo anshaxa – adinka ayaana soo saaray mustaqbalka ifaya ee aan maanta hambalyeynayo.
Dadaalkiinna xilliyo badan waa muujiseen, maantana midho dhalay. Haddii ardayda guuleysatay, waxay guushoodu tahay mid idinka idin saaran. Waxaad tihiin macallimiin si sharaf leh ugu adeegay bulshada.
6.0 Fariin Guud
![]() |
source: Abuu Banaadir |
Maamulka dugsiyada, waalidiinta iyo macallimiinta, adinkuna ha daalina, hana niyad jabina. Jiilkan aad garabka u tihiin ayaa ah kuwa wax ka beddeli doona dalkooda. U dhisnaada iyaga, si wadajir ahna u xoojiya taageeradooda.
Ugu dambeyn, waxaan Ilaahay uga baryeyaa inuu barakeeyo ardayda u dhammaaday imtixaanka, ku guuleeyo tallaabada xigta ee waxbarasho, waalidka u dhigo ubadkooda khayr, macallimiinta iyo maamuladana u abaalmariyo dadaalkooda.
By: Dugsan Space
Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo!
0 Comments