1.0 Hordhac
Imtixaanadu
waa hab lagu cabbiro fahamka, kartida, iyo aqoonta ardayga. Si kastaba ha ahaatee,
waxa isa soo taraysa, oo sii kordhaya falalka ardaydu u adeegsadaan si ay si
khaldan uga gudbaan imtixaanka, gaar ahaan qishka (cheating). Qoraalkani wuxuu
dul istaagayaa farsamooyinka ay ardaydu ku qishaan, dhibaatooyinka ay arrintan
keento, iyo baahida loo qabo wacyigelin dhab ah.
2.0 Farsamooyinka Qishka ee Ardaydu Adeegsadaan
Qaar
ka mid ah ardayda waxay isticmaalaan xeelado kala duwan oo ay ku qishaan inta
lagu jiro imtixaanka. Farsamooyinkaasi waxaa ka mid ah, qodobada hoose ku
xusan.
2.1 Isticmaalka Taleefoonka Gacanta – Ardaydu ama ardayda qaar waxay taleefanadooda ku
kaydsadaan qoraallo ama waxa ay xiriir la sameeyaan asxaab dibadda jooga oo u
dira jawaabaha.
2.2 Warqado Yar-yar (Chits)
– Warqado si qarsoodi ah loo qoro oo lagu qarsado jeebabka, gacmaha, kabo
hoostooda iwm.
2.3 Isdhaafsiga Warqadaha
– Ardaydu waxay si qarsoodi ah u isdhaafsadaan warqadaha si midkood uu uga
caawiyo kan kale.
2.4 Ka Qishidda Arday kale
– Waxaa jira kuwo si ula kac ah ula fadhiya arday kale oo wax u qoreysa, iyaga
oo iska dhigaaya in aysan arkin kormeerayaashu.
2.5 Qoraallo Gacanta Laga Qoro (Hand Notes) – Ardayda qaarkood waxay gacmahooda ku qortaan xisaab,
xeerar ama erayo muhiim ah.
2.6 Gidaaradda Imtixaanka oo laga soo tuursto Mobile.lada
2.7 Kabaha in la soo dhex geliyo, sidoo kale caagadaha biyaha lagu soo rido in bac lagu
xiro.
2.8 Farsamo kasta oo lagu soo xareyn karo in la isticmaalo, sida
aad ka arki doontid sawirada warbixintaan ku jira.
3.0 Saameynta Qishka ee Mustaqbalka Ardayga
Inkasta oo qishka uu si ku meel gaar ah ardayga uga caawin karo inuu helo darajo, si degdeg ahna ugu baabi’in karo darajada oo dhan, haddana wuxuu leeyahay saameyn taban oo waqti dheer ah. Qaar ka mid ah dhibaatooyinkaasi waa:
- Luminta Kalsoonida Nafta – Ardaygu wuxuu bilaabaa inuusan isku hallayn karin,
maadaama uu garanayo inuusan aqoonta si dhab ah u helin.
- Xirfad La’aan Mustaqbalka – Aqoonta qaldan waxay keentaa in ardaygu uusan
awoodin inuu shaqo fiican qabto marka uu jaamacadda ka baxo.
- Ciqaabo Sharci iyo Anshaxeed – Haddii la qabto, ardayga waxaa laga saari karaa
dugsiga, waxaana dhaawacmi kara sumcaddiisa.
- Bulshada oo Laga Helo Dad Aan
Aamin ahayn – Qofkii qishka ku bartay inuu
guulo gaaro, wuxuu halis ugu jiraa inuu nolosha kaleba musuq ku tiirsanaado.
4.0 Wacyigelin: Maxaa La Gudboon Ardayda?
Waxaa
muhiim ah in ardayda la baro qiimaha ay leedahay daacadnimada, dadaalka iyo in
lagu kalsoonaado awoodda naftooda. Wacyigelin dhab ah waa in la gaarsiiyo
ardayda si:
- Loo fahamsiiyo in imtixaanku
yahay tijaabo kumeelgaar ah, balse nolosha dhabta ahi ay tahay mid lagu
kasbado aqoon iyo xirfad.
- Loo dhiirrigeliyo in la sameeyo
qorshe waxbarasho joogto ah oo salka ku haya fahamka maaddada, halkii laga
heli lahaa xeelado qiyaano ah.
- Loo abaabulo dood cilmiyeedyo,
wacyigelin toos ah, iyo la-talin ardayda loogu sheegayo cawaaqibka qishka.
5.0
Fariimaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee qishka
Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare
ee dowladda federalka Somaaliya ayaa dhawaan barteeda Facebook ku daabacday
dhowr qoraal oo ay ugu hadlayso qishka iyo dhibaatooyinka uu keeni karo, sidoo
kale ardayga waxa uu ka dhexli karo, iyadoona ula jeedo ardada sanadkaan
ufadhiya imtixaanka qaranka fasalka 12aad ee sanadkaan 2025. Fariimaha wasaaradda
waxbarashada waxaa ka mid ah:-
1- “𝗗𝗶𝗴𝗻𝗶𝗶𝗻 𝗠𝘂𝗵𝗶𝗶𝗺 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗸𝘂 𝘀𝗼𝗰𝗼𝘁𝗮 𝗔𝗿𝗱𝗮𝘆𝗱𝗮 𝗜𝗺𝘁𝗶𝘅𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗦𝗵𝗮𝗵𝗮𝗮𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵
Waxaa
la ogaaday in inta badan ardayda ku dhacda imtixaanka ay yihiin kuwa laga
kansalay maaddooyin ay qisheen, ama kuwa soo daahay oo imtixaanka uu dhaafay. Wasaaradda
Waxbarashada waxay ardayda xasuusinaysaa muhiimadda ay leedahay in waqtiga la
ilaaliyo, oo ugu dambeyn 8:00 subaxnimo fasalka lagu sugnaado iyo in laga
fogaado qishka, si loo ilaaliyo sumcadda imtixaanka iyo mustaqbalkooda waxbarasho
ee ardayga.”
Guji
lifaaqa hoose: https://www.facebook.com/share/p/19BqgTBd16/?mibextid=wwXIfr
2- “Wasaaradda Waxbarashada XFS oo dagaal kula jirta Qishka
imtixaanka shahaadiga ah ayaa maanta kiiskan soo qabatay. Ardayda waxaan
markale uga digeynaa in ay isku dayaan qish iyo wax isdaba marin.”
Guji
lifaaqa hoose: https://www.facebook.com/share/v/1A4mJE2BUc/?mibextid=wwXIfr
3- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay si
adag u waddaa dagaal ka dhan ah qishka, khiyaanada iyo wax isdaba-marinta lagu
sameeyo Imtixaanka Qaranka. Maanta waxaa si rasmi ah gacanta loogu dhigay arday
isku dayeysay in ay isticmaalaan qalab tiknoolajiyadeed oo casri ah si ay ugu
qishaan imtixaanka fasalka 12-aad. Waxaan markale uga digeynaa ardayda in ay
lasoo galaan xarumaha imtixaanka aaladaha wax lagu qisho, iyadoo ardaygii lagu
arkana maaddadaas natiijadeeda laga baa'bi'inayo.
Guji
lifaaqa hoose: https://www.facebook.com/share/p/16jaAsVZQV/?mibextid=wwXIfr
6.0 Gabagabo
Qishka imtixaanku waa cudur hoos u dhiga tayada waxbarashada, dhaawaca sumcadda ardayga, islamarkaana dhibaato ku keena horumarka guud ee bulshada. Waxaa lagama maarmaan ah in dhammaan bahda waxbarashada – arday, waalidiin, macallimiin, iyo maamulka dugsiyadu – iska kaashadaan la dagaallanka qishka, si loo dhiso jiil leh aqoon dhab ah iyo hufnaan xirfadeed.
0 Comments