LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Tartanka Kubadda Cagta ee Dugsiyada Gobolka Banaadir, Sanad-dugsiyeedka 2024/2025,


Waxa si rasmi ah u furmay howlaha farsamo iyo shaqo ee tartanka kubadda cagta ee dugsiyada Gobolka Banaadir, sanad-dugsiyeedka 2024/2025, iyadoo la qabtay tababar heer sare ah oo loo fidiyay tababarayaasha dugsiyada ka qeyb galaya tartankan muhiimka ah. Tartankan oo ka mid ah waxqabadyada Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir uu qabanayo sanadkan,. Munaasabadda furitaanka tababarka oo si rasmi ah uu u daahfuray Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Mudane Mohamed Dhalbas, ayaa lagu muujiyay sida uu tartankani uga mid yahay qorshayaasha waxbarasho ee gobolka, looguna talagalay in lagu kobciyo kartida iyo hannaanka is-dhexgalka ardayda.

 Tababar Lagu Xoojiyay Hoggaaminta Ciyaaraha 

Tababarkan oo loo qabtay tababrayaashada kooxaha dugsiyada ayaa diiradda saaray xirfadaha hoggaaminta ciyaaraha, maareynta kooxaha, iyo xeerarka ciyaaraha dugsiyada. Tababarayaasha ka soo kala socday dhammaan 32-da dugsi ee Gobolka Banaadir, ayaa loo tababaray si ay u noqdaan hoggaan tayo leh oo ardayda u horseedi kara guul, anshax, iyo karti. Waxaa si gaar ah loo xusay in tababarayaashu yihiin tiir-dhexaadka horumarka ciyaaraha dugsiyada, maadaama ay yihiin kuwa si toos ah ula falgalaya ardayda, una horseedaya jiil leh kalsooni, maskax fayoow, iyo jidh caafimaad qaba. 

 Cayaaraha oo Ka Mid ah Manhajka Qaranka 

Tartankan kubadda cagta ah ma aha mid uun lagu maaweeliyo ardayda, balse waa qeyb rasmi ah oo ka mid ah manhajka waxbarasho ee qaranka. Maadada Ciyaaraha (Physical Education) oo ah mid la dhigto dhammaan dugsiyada dalka, ayaa diiradda saarta kor u qaadidda caafimaadka ardayga, isdhexgalka bulshada, iyo horumarinta xirfadaha shaqsiga. Tartanka waxaa loo arkaa fursad lagu hirgelinayo waxbarashada ka baxsan fasalka, taasoo ardayda siineysa fursad ay ku muujiyaan hal-abuurkooda, hogaamintooda, iyo wada shaqeynta kooxeed. Waxa kale oo uu horseedaa kobaca niyadda iyo dabeecadda wanaagsan ee ardayda, taasoo si toos ah uga tarjumeysa noloshooda waxbarasho iyo tan bulshadeed. 

 32 Dugsi oo Ka Qeyb Galaya Tartanka Sanadkan 

 Sanadkan 2024/2025, waxaa tartanka ka qeyb galaya 32 dugsi oo ku kala yaalla dhammaan 20-ka degmo ee gobolka Banaadir. Tani waxay ka dhigan tahay in tartanka uu yahay mid la ballaariyay, si loo helo ka qeybgal ballaaran iyo sinnaan dhanka fursadaha ah ee ardayda ka kala socota xaafadaha iyo degmooyinka gobolka. Tartanku wuxuu noqon doonaa madal is-dhexgal bulsho oo ardaydu kaga faa’iidaysan doonaan saaxiibtinimo, tartan caafimaad qaba, iyo fahamka kala duwanaanshaha deegaanadooda. Waxa uu sidoo kale yahay fursad lagu ogaan karo ciyaartoyda mustaqbalka ee matali kara gobolka ama xitaa dalka Soomaaliya. 

 Shahaadooyin iyo Dhiirrigelin

 Gabagabadii tababarka, waxaa ka qeybgalayaasha la guddoonsiiyay shahaadooyin rasmi ah oo muujinaya xirfadooda macallinnimo iyo diyaar-garowgooda. Shahaadooyinkan waxaa bixiyay mas’uuliyiinta kala ah Agaasimaha Guud ee AWGB,


Guddoomiyaha Ururka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir Mudane Haruun, iyo Madaxa Tartamada ee AWGB, Kamil Abdi Ma'ow. Mas’uuliyiintan ayaa ku bogaadiyay tababarayaasha doorkooda muhiimka ah, iyagoo kula dardaarmay in ay hormuud u noqdaan isbedelka ciyaaraha dugsiyada, kana shaqeeyaan sidii ardayda loogu horseedi lahaa anshax, hufnaan, iyo guul. 

Gunaanad 

Tartanka kubadda cagta ee dugsiyada Gobolka Banaadir ma aha kaliya dhacdo ciyaareed, balse waa qeyb ka mid ah fulinta manhajka qaranka oo ay ka dhex muuqato istaraatiijiyad horumarineed. Waxa uu fursad siiyaa ardayda, macallimiinta, iyo bulshada dugsiga in ay mideeyaan dadaalkooda, iyagoo kaashanaya isboortiga oo ah aalad muhiim u ah horumarinta jiilka cusub. Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa markale muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta waxbarashada ku dhisan anshaxa, dhaqanka, iyo kartida, iyadoo tartankan uu ka mid yahay tiirarka taasi lagu gaari karo.




















Post a Comment

0 Comments

JSON Variables