LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Faah-faahinta dhibcaha Natiijada Fasalka 8aad

 

FAAHFAAHINTA DHIBCAHA ARDEYDA
Dhibcaha ardeyda Waxa ay isku jiraan fogaan ama Gaalisyo isla'eg qeyb kastana waxa ay u taagan tahay daraja ahaan xaraf kaligii ah ama mid sita astaan abyoone (+,-).
Ardeyga dugsiga dhexe waxaa laga rabaa in uu keeno 800(8x100) oo dhibcood guud ahaan maadooyinka sideeda ah ee lagu barto dugsiga dhexe.
Ardeygi keenaa celcelis ahaan ugu yaraan 35% dhibcaha guud oo u dhiganta 280 (35%×800) dhibcood daraja ahaana ah xarafka (D-) ayaa ka gudbaya Dugsiga dhexe.
Ardey kasta oo keeno celcelis ahaan 34.99% ama 279.9 wadarta dhibcaha guud una dhiganta daraja ahaan xarafka (E) iyo wixi ka yar waxa uu ku harayaa Imtixaanka Dugsiga dhexe ee Fasalka 8aad.
Go'aanka Gudbidda ama Haridda ardeyga kuma xirno tirada maadooyinka uu ku Gudbey ama ku Harey ee Waxa ay ku xiran tahay wadarta dhibcaha guud ee ardeygu keeney in ay la'eg yihiin ama ka yar yihiin 280 dhibcood oo u dhiganto 35% wadarta dhibcaha guud ee ardeyga laga rabey.
Waxa aan rajeyneynaa in ardeyda, waalidiinta iyo bahda Waxbarashada Gobalka Banaadir ay fariintaan ka heli doonaan fahan dheeraad ah.
Ka akhriso Shaxda Sawirka ah xogta dhibcaha oo kooban.
Mahadsinidiin

Post a Comment

0 Comments

JSON Variables