LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Natiijada Doorashada NAJUS (jaamacadda Ummadda) boob iyo Musuq mise Dimuqraadi 2025

 

Sidee u Dhacday Doorashada Naadiga Ardada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed – Mid Xalaal ah mise..

June 2025, waxaa si rasmi ah uga qabsoontay xarumaha kala duwan ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho doorashada Naadiga Ardayda Jaamacadda. Doorashadan ayaa si isku mar ah uga dhacday xarumaha Shabeelle, KM4, iyo Gaheyr, iyadoo ardayda ay fursad u heleen inay codkooda si xor ah u dhiibtaan si ay u doortaan Guddoomiyaha Naadiga iyo Ku-xigeenkiisa.

Musharaxiinta Tartanka

Doorashada waxaa ku tartamay 7 musharax oo kala ah:-

  1. Abdinasir Ciise Idow
  2. Ibrahim Cabdi Xirsi
  3. Ciise Axmed Waliix
  4. Cabdirisaaq Cumar Cusmaan
  5. Sakariye Cali Maxamed
  6. Ikraan Muqtaar Cali
  7. Fardowso Axmed Cali

Tartanka Guddoomiyaha waxaa si gaar ah ugu tartamayay  shan musharax, halka labo musharax ay ku tartamayeen jagada Guddoomiye Ku-xigeenka.

Kormeer iyo Taageero Dowladda

Doorashada waxaa si dhow u kormeeray Rektarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Xasan Cusmaan Gacal, iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan. Waxaa la arkayay mas’uuliyiinta oo ku sugan goobaha codbixinta, iyagoo bogaadinayay habsami u socodka doorashada iyo sida ardayda u muujiyeen rabitaankooda dimuqraadiyadeed.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa doorashada ku tilmaamay mid muhiim u ah kor u qaadista fahamka ardayda ee geeddi-socodka doorashooyinka, iyo kobcinta hogaaminta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Natiijada Doorashada

Waxaa natiijada rasmiga ah ee doorashada lagu dhawaaqay iyadoo ay sidaan u kala heleen codadka:

  • Ikraan Muqtaar Cali – 1751 cod
  • Fardowso Axmed Cali – 1569 cod
  • Abdinasir Ciise Idow – 909 cod
  • Ibrahim Cabdi Xirsi – 774 cod
  • Ciise Axmed Waliix – 692 cod
  • Cabdirisaaq Cumar Cusmaan – 592 cod
  • Sakariye Cali Maxamed – 351 cod

Mudane Abdinasir Ciise Idow ayaa loo doortay Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, halka Ikraan Muqtaar Cali ay heshay codadkii ugu badnaa ee jagada Ku-xigeenka.



Cabashooyin iyo Eedeyn Musuq

Inkasta oo maamulka Jaamacadda uu doorashada ku sifeeyay mid cadaalad iyo xor ah ku dhacday, haddana musharaxiintii aan ku guuleysan tartanka ayaa si weyn uga horyimid natiijada la shaaciyay.

 Waxay warbaahinta madax bannaan u sheegeen – iyagoo muuqaal u maraya – in doorashadu aysan noqon mid hufan, islamarkaana ay dhacday wax isdabamarin iyo cadaalad darro.

 Guji lifaaqa hore,  si aad u hesho muqaalka,  https://www.facebook.com/share/v/1HMLWiJpg9/?mibextid=wwXIfr

Musharaxiinta ayaa si wadajir ah u sheegay in ay doorashadii ka dhacday xarumaha Jaamacadda ku tilmaamayaan "boob iyo musuq-maasuq," taasoo dhabar-jab ku ah hanaanka dimuqraadiyadeed ee ardayda.

Gunaanad

Doorashada Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay ahayd mid ardaydu si weyn uga qeyb qaateen, iyadoo uu muuqday firfircooni badan iyo codbixin ballaaran. Si kastaba ha ahaatee, eedeymaha la xiriira musuq iyo boob doorasho ayaa hadal heyn weyn abuuray, taasoo u baahan in si dhab ah loo baadho si loo xaqiijiyo kalsoonida ardayda ee nidaamka doorashooyinka gudaha Jaamacadda.

 

Post a Comment

0 Comments

JSON Variables